Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal aan la shaacin oo qarsoodi ah maanta ku tagey magaalada Addis-Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Madaxweynaha oo saaka si qarsoodi ah uga dhoofay Muqdisho ayaa wada-hadal Addis-Ababa kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, mana cadda illaa iyo hadda wixii ay ka wada hadleen.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in wada-hadallada oo qaatay saddex saac ay u badan tahay in looga hadlay arrimaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Wada-hadallada ayaa lagu warramayaa in iminka ay soo idlaadeen, waxaana madaxweynaha uu Muqdisho kusoo beegan yahay saddexda galabnimo sida ana xogta ku helnay.
Madaxweyne Xasan ayaa dhowrkii toddobaad ee tagay dhowr socdaal oo kala ujeedooyin duwan ku tagey dalka Ethiopia. Waxaa jira warar sheegaya in dowladda Ethiopia ay taageersan tahay in madaxweynaha dib loogu doorto hoggaanka Soomaaliya.
Caasimada Online oo hadda xog ururin ku jirta ayaa dib idin kaga soo gudbin doonta waxyaabaha rasmiga ah ee looga hadlay socdaalkii ugu dambeeyey, Insha Allah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

