Wariye Cawil Daahir Salad iyo agaasimihii TV-ga Universal oo maxkamada Banaadir loo gudbiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan goor dhaw ka helnay Xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ee JFS ayaa noo sheegay in dacwad ka dhan ah wariye Cawil Daahir Salaad iyo Agaasimaha Bariga Africa ee TV Universal Cabdullaahi Xirsi Kulmiye loo gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Wariye Cawil iyo Cabdullaahi ayaa lagu soo eedeeyay in aay galeen fal danbiyeed lid ku ah jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed iyo falal argagixiso. Haddii aay maxkamadda ku caddeyso falalka lagu soo eedeeyay Cawil & Cabdullaahi, waxaa aay muteysan doonaan xukuno adag oo ah ama Dil toogasho ama Xabsi daa’in, waa sida uu hadalka u dhiga masuul ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ee JFS

Waa arrin aad looga fajaco, iyadoo dhammaan isgaarsiinta maxaliga ah ee ka howl gala Muqdisho aay ku shaqeeyaan marxalado adaga ayadoo ay ugaarsi ku hayaan dhinacyo badan oo isku haya siyaasadda Soomaaliya ayaa waxa usii dheer in ay adagtahay in ay wararka xaqiiqda ah kasoo tabiyaan goobaha ay ka howlgalaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com