Daawo Sawirrada: Carruur SOOMAALI ah oo si qurux badan u kaxeynaaya diyaarado + Warbixin

Muqdisho (Caasimada Online) – Carruurtaani oo ah Somali-Canadian, ayaa waxaa waxbadan laga baray habka loo duuliyo diyaaradaha aan qumaatiga u duulin, tababarkaasi ayaa bixiyay Dugsiga laga barto Duulimaadka ee Internationl Pilot Academy ee ku yaalla magaalada Ottawa.

Carruurtaani ayaa hal hal loo tusay qaabka loo kiciyo iyo qaabka loo dajiyo diyaarada, kadib markii ay ka faa’iideysanayeen tababar gaaban oo uu dugsigaasi bixiyay.

Carruurtaani Soomaaliyeed ayaa hamuun u qabay in mustaqbalka dhaw ay noqdaan duuliyayaal diyaaradeed iyagoona duulinta ka hor casharo laga siiyay habka loo kiciyo loona dajiyo diyaarada.

Ujeedka tababarka ayaa ahaa in Carruurta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada lagu dhiirigaliyo barashada duulimaadka iyo aqoonta cilmiga hawada.

Carruurta tababarka lasiiyay ayaa ka koobnaa 5 carruur oo magacyadooda lagu kala sheegay Wheliye Mohamuud, Ayuub Hassan, Zaki Ananug , Ibrahim Omar iyo Ibrahim Gure.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15