QARAX lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidamo ka tirsanaa DF Somalia lala eegtay Qarax khasaaro kala duwan geystay.

Xiliga uu Qaraxa dhacaayay ayaa waxa ay Ciidamada Dowladu marayeen Xaafada Halgan ee Gobolka Hiiran sida ay xaqiijiyen Saraakiil ciidan oo ka tirsan Maamulka Hiiraan.

Qaraxa lala eegtay Ciidamada Dowlada ayaa la sheegayaa inuu ahaa miino dhulka lagu aasay taasi oo khasaaro ay kasoo gaartay Ciidamada.

Inta la xaqiijiyay Afar kamid ah Ciidamada ayey waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa, iyadoona ay ku dhaawacmeen dad shacab ah oo aan la xaqiijin tiradooda.

Xaafada Halgan ayaa waxaa inta badan lagu beegsadaa Ciidamada Dowlada, iyadoona ay xusid mudan tahay in Xaafadaasi ay inta badan ka dhacaan dilal isdaba joog ah.

Maamulka Hiiraan wali kama uusan hadlin weerarka bambaano ee lagu qaaday Ciidamada Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com