SAWIRRO: DFS oo gashay heshiis caalami ah oo ay goobjoog ka ahaayen maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somalia Max’ed Aadan Ibraahim ‘’Fargeeti’’ ayaa ka warbixiyay heshiis ay la galeen Bangiga dhexe ee Adduunka.

Heshiiska ayaa ahaa mid u dhexeeyay awoodiisa DF Somalia iyo Bangiga dhexe ee Adduunka kaasi oo ay natiijadiisu tahay in Bangiga uu lacago amaahinkaro Dowlada iyo Maamul Goboleedyada dalka si looga taageero dhibta dhaqaale ee heysata.

Wasiir Fargeeti ayaa sheegay in Heshiiskaan uu ahaa mid in muddo ah laga soo shaqeynayay islamarkaana uu soo gabagaboobay Wajigiisa Koowaad, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaa ku daray in DF Somalia ay u guda galeyso fulinta Heshiiska Wajigiisa labaad si loo dar dar geliyo arrimahaasi.

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Maaliyadda mamulka Puntland C/llaahi Sheekh Axmed, Wasiirka maaliyadda Jubbaland Ibraahim Xasan Cabdi iyo Wasiirada Maaliyadda Galmudug iyo Koonfur galbeed Somalia.

Dhanka deeq bixiyayaasha ayaa waxaa Heshiiska goobjoog uga ahaa Mas’uuliyin Midowga Yurub iyo dowlada Talyaaniga, waxaana dhanka dowlada Talyaaniga u saxiixay safiirka dowlada Talyaaniga u qaabilsan Somalia Fabrizio Marcelli,halka midowga yurubna ay u saxiixday Mss Daria Fane.

Wasiir Fargeeti ayaa rajo fiican ka muujiyay in heshiiska sidii logu tala galay uu u hirgalo.

Heshiiska ayaa imaanaya xilli inta badan shaqaalaha DFS ay cabasho xoogan ka muujiyaan Mushaaraadka ay ku shaqeeyaan.
1

2

3

4

5

6

7

8