XOG: Wasiirka arrimaha dibadda AETHIOPIA oo amray in la sii daayo wariye Cawil Daahir Salaad

Muqdisho (Caasimada Online) –  Warar goor dhaw naga soo gaaray ilo xog ogaal ah oo ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa noo sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiyo Dr. Tedros uu amar ku bixiyay in la sii daayo dhammaan shaqaalaha Universal TV ee ku xiran xarunta nabadsugidda ee Godka Jilicoow.

Masuulka ayaa Caasimadda Online u sheegay, in Itoobiya aay aad uga xumaadeen talaabada aay qaaday dowladda federaalka ah, waxa aayna Itoobiya u aragtay arrinkan in Villa Soomaaliya aay kutala gal u xireen wariyayaasha si shacabka aay u kacaan, isla markaasna tan bilowdo kacdoon ka dhan ah dowladda Itoobiya.

Tani waxaa aay noqoneysaa oo caddeyn u noqon doontaa in haddii amarkaas lagu soo daayo wariyaasha, in dalka looga taliyo Addis Ababa.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com