Brendan Rodgers oo Man City ku yiri: Luis Suarez iib maahan.

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa qirtay in weeraryahan Luis Suarez uu baaqi kusii ahaan doono Anfield, inkastoo lala xiriirinaayey inuu kooxda ka dhaqaaqayo Janaayo.

Saxaafada ayaa soo jeedineysay in Manchester City ay 40 milyan oo ginni ku dalbaneyso ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Uruguay marka uu suuqu dib u furmo.

Laakiin taas bedelkeeda 25 jirkaani wuxuu lasii joogi doonaa kooxdiisa sida uu sheegay tababre Rodgers, iyo Luis oo aan qarsan jaceylka uu u qabo Reds.

“Ma jirto cid ku dagaalami doonta saxiixiisa. Waxaa uu sii joogi doonaa halkaan,” ayuu yiri tababare Rodgers.

“Hadii aan weyno Luis markaas ma heysano gooldhaliye. Ma qabo inaan awoodno inaan weyno isaga.

“Hubaashii ma ahan qof aan dooneyno inaan iibino. Waxa uu yahay ciyaaryahan cajiib ah oo lala shaqeyn karo, waxaan dooneynaa inaan kooxdeena ciyaaryahano ku soo kordhino ee ma dooneyno inaan iska iibino gaar ahaan xidig sidiis oo kale ah.”

Luis Suarez ayaa isna ka halday arinka wuxuuna yiri: “Hada halkaan ayaan joogaa, wax walba nafsadeyda ayaa ku qanacsan waxaana isku dedeyayaa inaan  halkaan sii joogo sanado badan hadii aan awoodo, sababtoo ah waxaan joogaa koox aan ku farax sanahay, reerkeygu halkaan ayey ku farax san yihiin, waxaan halkaan ka helay koox Fantastik ah iyo tababare aan wax badan ka bartay.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.