Britain oo ku dhawaaqday halka wado ee Somaliland ay ku heli karto AQOONSI

London (Caasimadda Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay si waadax ah uga hadashay habka ay Maamulka Somaliland Beesha Caalamka uga helo karto Ictiraaf.

Dowladda Ingiriiska ayaa si rasmi ah u sheegtay in Ictiraafka Somaliland uu ku xiran yahay inay ku heshiiyaan iyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wargeyska Financial Times (FT) ee ka soo baxa London waxa uu bilowgii isbuucan Warbixin dheer ka qoray dadaalka Ictiraaf-raadiska Somaliland iyo Aragtida Dowladda Britain ee Yoolka lagu gaari karo Ictiraafkaasi.

Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda ee UK oo la hadashay Wargeyska FT waxay sheegtay inay Dowladda Britain rumeysan tahay inay u taallo DFS iyo Soomaaliland si ay u gaaraan Mustaqbal Wadajir ah iyo inay dalalka Gobalka iyo Jilayaasha dalalkaasi kaalin hoggaamin ka qaataan Natiijada Heshiiska ee Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Sida uu Wargeyska FT u sheegay Khabiir Axmer Sulaymaan oo ka tirsan Aqalka Chantam House ee London arrintaan ayaa waxaa isku raacsan dhammaan Dowladaha Reer Galbeedka.

Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Dalalka Gobalka uma muuqdaan inay qaadi doonaan tallaabada u dambaysa ee Ictiraafka SL ilaa uu wada-xaajoodka DFS iyo SL ka gaaraan heshiis Mustaqbal Wadajir ah.

Wadahadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa istaagtay tan iyo markii uu dalka Madaxweyne ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana sabab u ah inuu wadahadalka istaago go’aanka ay dowladda ka qaadatay maalgashiga Dekadda Berbera.

Somailand ayaana si cad u sheegtay inaysan Dowladda Federaalka la fadhiisan doonin inta ay faragelinta ka deeneyso dowladda Dhexe sida ay hadalka u dhigeen.

Dhawr jeer ayaa waxaa fashilmay wadahadal la doonayey inay labada dhinac yeeshaan, haddana ma jirto ififaalo muujinayo in la wada fadhiisan doono.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
Caasimada@live.com