Brown oo ka deyriyay arrin ka jirta gudaha Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Staurt Brown, Wakiilka Xafiiska Dowladda UK ee Somaliland ayaa markii u horeysay ka deyriyay xaaladaha ay deegaanada Somaliland kaga howl-galaan suxufiyiinta madaxa banaani.

Brown ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay caadeysatay xadhiga suxufiyiinta madaxa banaan ee ka howl-gala deegaanadeed, taasi oo wiiqeysa awoodii xoriyatul qowlka ee warbaahinta.

Wakiilka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inay wax adag tahay ama halis ah in gudaha Somaliland uu ka howl-galo, isla markaana ka shaqeeyo suxufigu.

Wakiilka xafiiska Dowladda UK ee Somaliland, Staurt Brown ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuuna ku yiri “In aad suxufi halkan (Somaliland) ka ahaataa waa arrin adag”.

“Xadhigguna wuxuu ka noqday wax la caadaystay gudaha Somaliland” ayuu sii raaciyay Staurt Brown, Wakiilka Xafiiska Dowladda UK ee Somaliland.

Wuxuuna ku soo gaba-gabeeyay hadalkiisa “Hay’addo badan oo warbaahineed ayaan lahayn tayo tifaftirnimo, hab-dhaqanka suxufi ee liita ayaana wiiqaya xirfadda (warbaahinnimo)”.

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa inta badan waxa lagu eedeyaa mid si ula kac ah u beegsata suxufiyiinta madaxa banaan ee ka howl-gala deegaanadeeda, kuwaasi oo si sharciga baal marasan xabsiyada ugu gurta.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa