Dubai (Caasimada Online) – Burcad-badeed la tuhunsan yahay in ay Soomaali yihiin ayaa qabsaday doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen, iyadoo weerarkani noqonayo kii saddexaad oo noociisa ah ee toddobaadyadii ugu dambeeyay ka dhaca xeebaha Geeska Afrika, sida ay saraakiisha amnigu sheegeen Isniintii.
Bayaanka kasoo baxay ciidanka badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR Atalanta) ayaa lagu sheegay in burcadda Soomaalidu ay doonta weerareen Axaddii, meel aan ka fogeyn degmada xeebta ku taal ee Eyl. Doonta la qabsaday ayaa ahayd nooca dhaqanka (Dhow), oo si joogto ah uga kalluumeysata biyaha Bariga Dhexe, waxayna sidatay calanka Yemen.
Saraakiishu waxay intaas ku dareen in ku dhawaad toddobo qof oo burcad ah ay weli saaran yihiin doonta, taas oo shaqaalaheedu ka koobnaa siddeed qof oo Soomaali ah.
Weerarkan ayaa ah kii saddexaad muddo toddobaadyo kooban gudahood ka dhaca xeebaha Soomaaliya.
Bishii Febraayo, kooxaha burcad-badeedda ayaa afduubay doon kalluumeysi oo lagu magacaabo Saytuun-2, kaas oo dhacay 17-kii Febraayo. Weerarkaas ayaa dhacay maalmo kooban kadib weerar kale oo ay burcadda isku dayeen inay qafaashaan doon kalluumeysi oo iyaduna Yemeni ahayd, balse markii dambe kooxda ayaa ka baxsatay goobta, iyadoo shaqaalihii doontuna ay si nabad ah ku badbaadeen.
Burcad-badeednimada xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sarreeyey gaartay sannadkii 2011, iyadoo la diiwaan geliyey 237 weerar.
Wakhtigaas, burcad-badeedda Soomaalida ayaa dhaqaalaha adduunka u geysatay khasaare lagu qiyaasay $7 bilyan oo doollar, iyadoo madax-furashooyinka la bixiyeyna ay gaareen ku dhawaad $160 milyan oo doollar, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hay’adda caalamiga ah ee la socota burcad-badeednimada ee Oceans Beyond Piracy.
Halista kooxahaasi waxay hoos u dhacday kaddib markii si weyn loo kordhiyay ilaalinta ciidamada caalamiga ah ee biyaha Soomaaliya, iyo sidoo kale markii dowladda Soomaaliya ay billowday inay xoogeyso awoodda dhexe ee maamulka Muqdisho.
Hase yeeshee, sannadkii la soo dhaafay ayaa markale si muuqata loo arkay kororka weerarrada budhcad-badeedda Soomaalida, iyadoo sababta ugu weyn ee kor u qaaday weerarradan ay tahay amni-xumada ka dhalatay colaadda Yemen.
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa kordhisay weerarradeeda Badda Cas tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil iyo Hamas ee Marinka Gaza.
Sannadkii 2024 oo keliya, toddobo dhacdo oo noocan ah ayaa laga soo sheegay xeebaha Soomaaliya, sida lagu sheegay xogta ay soo bandhigtay hay’adda caalamiga ah ee la socota amniga badaha (International Maritime Bureau).