Sawirro: Ciidan tiro badan oo ka baxay Muqdisho si ay ugu biiraan dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Booliska ka tirsan oo ku biiraya Ciidamada furimaha ku sugan ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Taliyaha Booliska ayaa si cajiib ah ula dardaarmay ciidanka dagaalka loo diray, isagoo ku baraarujiyey inay dagalkaan cibaado ka dhigtaan.

“Khawaarijta Al-Shabaab waa wiilal yar yar oo baqaya oo aan dad laheyn rabana inay is qarxiyaan oo naftooda haligaan, laakiin idinku waxaa leedihiin madax idin jecel oo xaquuqdiina diyaar idiinla ah iyo ummad Soomaaliyeed oo idinku jiifta, bil Ramadaan baa lagu jiraa dagaalka aad u socotaan waa inuu cibaado idiin noqdaa oo dalkiina iyo dadkiina ka xoraysaan cadowga guul baana idiin rajeyn,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Asad.

Ciidamada Booliska ayaa helay tababaro kor loogu qaaday aqoontooda iyo xirfadooda, waxaana ay awood buuxda u leeyihiin in goob walba cadowga ku ugaarsadaan, si loo soo afjaro dhagarta Khawaarijtu ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamadaan oo boqolaal askari ah ayaa isugu jira Haramcad, Birmad iyo Daraawiish, waxayna ku biirayaan dagaalka dulaanka kooxda Al-Shabaab looga hortegayo ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan ayaa sidoo kale aad loola dardaarmay galabta, waxaana la faray inay wax badan ka bedelaan furimaha dagaalka, markii ay tagaan.

Horay ciidamo ka tirsan Booliska, sida qeybaha Haramcad iyo Birmadka ayaa loogu diray dagaalka, kuwaas oo ka howlgalay deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay dagaalo ku galeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhammaan ciidamadii dagaalami karay u dirtay dagaalka, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay soo qaaday weerarro rogaal celis ah oo cududooda militeri ay ku muujiyeen.

Shalay ayaa sidaan oo kale Muqdisho looga sagootiyey inta badan ciidankii dagaalami karay ee Asluubta Soomaaliya, kuwaas oo si weyn loo qalabeeyey, waxayna ku biireen ciidamada kale ee qaranka ee dagaalka kula jira al-Shabaab.