Toronto: Weerar lagu qaaday qabuuro lagu aasayey qof Soomaali ah oo lagu dilay SOOMAALI kale (Warbixin)

Toronto (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa rasaas ku furay qabuuraha Richmond Hill, halkaas oo ay ka socotay aaska wiil dhallinyaro Soomaali ah oo todobaadkan lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Weerarka ay kooxdaas kusoo qaaday qabuuraha ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhintay hal qof Soomaali ah oo rag ah, halka uu mid kale ku dhaawacmay.

Sida ay booliiska sheegeen, dableyda weerarka soo qaaday ayaa ahaa afar nin, waxaana goobta rasaasta lagu furay ku sugnaa illaa 60 qof oo kasoo qeybgalay aaska qof Soomaali ah oo halkaas ka socday.

Booliska ayaa sheegay in weerarka ay markii hore ku dhaawacmeen illaa 2 qof balse uu mid ka mid ah ku geeriyooday Isbitaalka

Booliisku waxay sheegeen inay tuhmnayaasha oo watay gaari duuga oo ah nuuca SUV ay baxsadeen. Waxay sheegeen markii ugu dambeysay in lagu arkay wadada Leslie Street.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool Toronto ayaa arrintaan aad uga welwelsan, waana markii ugu horraysay oo dhacdo nuucaan ahi ka dhacdo dalkaas oo Soomaali badan ay ku nool yihiin.

“Weligaa ma filanaysid wax sidan oo kale ah inay dhacaan wakhti kasta, iska daa inta lagu jiro aaska.  Tani waxay saameyn ku yeelan doontaa dhammaan dadka maanta halkan joogay iyo sidoo kale bulshadeena,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay booliiska Toronto.

Wiilka Soomaaliga ah ee aaskiisa la joogay ayaa waxaa lagu magacaabi hiray Maxamed wuxuuna ahaa 27 jir si fool xun loogu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Waxaa xusid mudan in dilka wiilkaas aan illaa iyo hadda lasoo qaban dadkii ka dambeeyey, wuxuuna dilkaan noqday mid ay si weyn uga wada naxeen dadka Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.