BURUNDI oo ciidamadii ugu badnaa kala baxday Somalia

Bujumbura (Caasimada Online) – Dowladda Burundi ayaa warbixin cusub kasoo saartay howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha kala guurka ah.

War kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in bishan gudaheeda ay ciidamadii ugu badnaa kala baxeen Soomaaliya, taas oo qayb ka ah qorshaha dhimmista ciidamada howlgalka ATMIS ee howlgallada u jooga gudaha dalka.

Tirakoob ay soo saartay dowladda Burunti ayaa waxaa lagu sheegay in illaa 734 askari ay kala baxday Soomaaliya, wixii ka dambeeyay 23-kii bishan December ee 2023-ka.

Ciidamadan oo ahaa wajiga labaad ee qorshaha dhimmista askarta Midowga Afrika ayaa dalkooda dib ugu soo laabtay 27-kii bishan, sida lagu sheegay qoraalka.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Burundi ayaa boqolaalkan askari kusoo dhoweeyay garoonka ciidamada ee ku yaalla magaalada caasimada ah Bujumbura.

Horay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa u bilaabay inay la baxaan askartooda, taas oo qayb ka ah go’aanka ciidamada shisheeye looga saarayo dalka.

ATMIS waxa ay wareejisay xerooyin badan oo ay ku lahayd gobollada dalka, waxaana haatan si buuxda u maamulaya ciidamada Xoogga dalka oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay horraantii bishan wareejisay amniga guud ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo 16 sano kadib ay ilaalinayaan ciidamo Soomaaliyeed.

Si kastaba, ciidanka howlgalka ATMIS ayaa la filayaa in dhamman dalka ay isaga baxaan marka la gaaro bisha December ee sanadka cusub ee 2024-ka.