28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Buuq ka dhacay xarunta baarlamaanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku sii shareeray Buuqa ay Xildhibaanada BF Somalia ka sameynayaan gudaha Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana la soo warinayaa in dhamaan Xildhibaanada kasoo horjeeday Xukuumada ay kuraasta kawada kaceen oo ay isku gadaameen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul wasaaraha dalka.

Wararku waxa ay soo sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka lagala wareegay Cod baahiyaha islamarkaana ay Xildhibaanada baahinayaan in Xukuumada Ra’isul wasaare Sharmaarke Fashilantay waxaana suuragal ah in qadaryar kadib uu Gudoomiyaha BF iyo Ra’isul wasaaraha faarujiyaan Xarunta maadaama uu sii darsaday buuqa.

Xildhibaanada buuqa wada ayaa sidoo kale la soo sheegayaa in Ciidamada ku sugan gudaha xarunta ay xakameyn la’yahay buuqa, waxaana xarunta lagu fasaxay Ciidamo Boolis ah oo iyagu dajinaayo xaalada.

Xildhibaanada ayaa sababta ay ubuuqayaan waxa ay tahay inay diidan yihiin codsiga 10-maalmood ah ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya usoo jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, Arinta codsiga ayaa umuuqata mid cod loo qaadi doono, sida Xildhibaanada qaar ay ku doodayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News