26.2 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Xildhibaanada BF oo go’aan mideysan ka qaatay codsiga R/W CC Sharmaarke

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii kulankii maanta uu buuq kusoo dhamaaday ayaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la siiyay fursad ay go’aan kaga qaadan karaan dalab kaga yimid ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaanada oo muddo daqiiqado ah qaatay kulamo gaar gaar ah ayaa ugu dambey aqbalay dalabka kaga yimid ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kaasi oo ahaa in la siiyo 10 maalin oo dheeraad ah si uu usoo dhameystiro xukuumadiisa.

Sidoo kale waxay xildhibaanada ogoladeen in muddadaasi la siiyay ra’iisul wasaaraha uu ku hor keeno xildhibanaada golahiisa wasiirada ee kamid noqonaya xukuumadiisa, maadaama xukuumadii hore lagu celiyay.

Ra’iisul wasaare Sharma’arke ayaa saaka markuu hadal ka jeediyay xarunta golaha shacabka waxaa ku bilowday buuq ay sameeyeen xildhibaanada oo dalabkiisa kasoo horjeeday.

Waxaa hadda ra’iisul wasaaraha uu heystaa fursadaas ah 10-ka maalin, waxaana laga doonayaa soo dhameystirida golaha wasaarada cusub ee xukuumadiisa.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News