Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan (Fadheeye) oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa si kulul kaga hadlay 10-kii cisho ee maanta uu Ra’iisal Wasaaruhu soo weydiistay Xildhibaanada Baarlamaanka.
Waxa uu sharci daro ku tilmaamay in Ra’iisal Wasaaraha laga ogolaado inuu codsi soo weydiisto Baarlamaanka, haddii yoolka Baarlamaanka uu ahaa codka kalsoonida oo loo qaado Golaha Wasiirada ee Xukuumadda.
Guddoonka Sare Baarlamaanka, ayuu dusha kaga tuuray inay masuuliyadda qaadi doonaan, tallaabadii Ra’iisal Wasaaraha loogu ogolaaday in codsigaasi uu u soo gudbiyo Xildhibaanada Baarlamaanka, sida uu yiri.
Sidoo kale waxa uu Ra’iisal Wasaaruhu uu ku eedeeyay in muddo 47 cisho ah uu ku keeni kari waayay Xukuumad dadka qancin karta, wuxuuna su’aal ka keenay waxa 10 cisho oo dambe ay soo kordhin doonto, sida uu yiri.
Xildhibaan Fadheeye, ayaa qaba in Ra’iisal Wasaaraha oo 20 cisho oo kale uu soo weydiisan doono Xildhibaanada, ka dib mudada 10-ka maalmood, sababo ku aadan iyagoo aan kaga fadhin in 10 cisho oo kaliya, uu ku soo yegleelo Xukuumad tayo leh.
Fadheeye, ayaa Ra’iisal Wasaare Sharmaarke ku dhaliilay karti xumo, isagoo intaa ku daray in rajo xumo uu ku keenay shacbiga Somaliyeed, sida uu yiri.
Xildhibaanka, ayaa hadalkaan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay laanta afka Somaliga ee VOA.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

