Dhageyso: CCC oo ka hadlay sababta uu u dalbaday 10 maalin oo dheeri ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo gelinka dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa arimo dhowr ah ka hadlay.

Wuxuu ugu horeyn soo dhaweeyay go’aanka xildhibaanada baarlamaanka ay ku siiyeen fursada dheeriga ah ee 10-ka maalmood, si uu usoo dhameystiro golaha wasiirada cusub ee xukuumada.

Cumar C/rashiid, ayaa sheegay in arin wanaagsan ay tahay islamarkaana isagoo fursadaasi ka faa’ideysanaya uu soo dhameystiri doono golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya.

Wuxuu ka hadlay sababaha keenay inuu markale dalbado maalmo dheeri ah, wuxuuna ujeedada uu ka lahaa ku sheegay wada tashiyo kale oo uu la yeesho qeybaha bulsha si buu yiri xukuumada looga wada midnoqdo golaha wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com