25.9 C
Mogadishu
Thursday, February 12, 2026

DFS oo joojisay howlihii shidaal baaris ee ka socday deegaannada PUNTLAND

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aan kasoo baxay Shirkada Baarista Shidaalka ee loo yaqaan Red Emperor, ayaa waxaa lagu sheegay inay joojineyso dhamaan howlihii sahminta shidaal oo ay kawaday deegaanada Puntland.

Qoraal ay soo saartay ayey ku sheegtay in Shirkadu ay tixgalineyso go’aanka Wasaarada Tamarta ee dowladda Federaalka ee ahaa inaan Deegaanada Puntland laga sameyn karin wax Shidaal baaris ah, iyadoo aan ogolaansho laga heysan DF Somalia.

Qoraalka shirkada ayaa waxaa lagu sheegay in Shirkada ay tixraaceyso hadal uu Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka Soomaaliya, Daa’uud Bisinle uu ka sheegay shir ka dhacay London bishii October ee 2014.

Go’aanka ay shirkadaasi ku joojineyso shidaal baarista, ayaa waxa ay dharbaaxo culus ku tahay Maamulka Puntland oo iyagu dhowr jeer oo hore ka dhego adeegay joojinta heshiisyada ay la galeyso Shirkadaha shisheeye.

Dhanka kale, tani waxa ay ka turjumeysaa awoodda federaal ee DF Somalia, iyadoona la filaayo in si tan lamid ah ay u istaajin doonto Gobolada kale ee ku howlan baarista shidaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News