Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Guud ee Booliiska AMISOM ee Somalia iyo saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ayaa booqday Beledweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan.
Taliyaha iyo saraakiisha la socday ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo Gudoomiyaha gobolka, C/fataax Xasan Afrax.
Inta uu socday kulanka, ayaa waxa ay Labada Dhinac ay ka wada hadleen tayaynta Ciidamada Amaanka ee Gobolka hiiraan.
Booqashada saraakiisha Booliska AMISOM waxaa lagu tilmaamay kii ugu horeeyay oo ay ku tagaan magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale, waxaa la filayaa in halkaasi ay ka furi doonaan tababaro la siin doono Ciidamada Booliska DF Somalia gobolkaasi ku sugan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]