27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Dalxa oo dhaliil iyo baaq u diray R/W C

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhaliilo kala duwan loo jeedinaayo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke, ayaa waxaa dhaliil taasi lamid ah u jeediyay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Dalxa ayaa waxa uu sheegay in Ra’isul wasaare Cumar uu sii luminaayo kalsoonidii kala dhexeysay Xildhibaanada BF Somalia, maadaama ay isku dhexyaacday Siyaasadii saldhiga u ahaa Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in mida kaliya uu uga badbaadi karo ay tahay inuu Xildhibaanada la qaato kulamo gaar ah oo uu ku tirtiraayo dhaliilaha loo jeedinaayo, maadaa uu yiri ay sii badanayaan dhaliilaha.

Sidoo kale, Dalxa ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka dalbaday in uusan ka dib dhicin 10-ka Maalin ee Baarlamaanka uu ka Codsaday sidaa daraadeedna uu la yimaado Xukumadda ka gadmi karta Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Waa Hubaal in Is jiid jeedka jira uu Waqti badan ku lumay oo Howlihii Xukumadda ay gaabis ku imaatay,waxaa Ra’iisul Wasaaraha dalka laga sugayaa in uu keeno Xukumadda ka gudbi karta Arrimahaas oo dhan’’

Dhanka kale, waxa uu rajo ka muujiyay in kulanka soo socda uu R/W CC waxbadan kasoo bedeli doono go’aanka sababay dib u dhacyada ku imaanayo xukuumadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News