26.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Lydia Wanyota & wafti tagay Baydhaba

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen Wafdi ay horkaceysay ku-xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Ms. Lydia Wanyota.

Wafdigaani ayaa ugu horeyntii booqday isbitaalka guud ee magaalada halkaas oo ay kulamo kula qaadatay wasiirro ka tirsan maamulka Koonfur galbeed ee Somalia, Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, kan degmada iyo maamulka isbitaalka.

Sidoo kale, wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Labada dhinac ay ka wada hadleen sidii Midowga Afrika uu wax uga qaban lahaa xaaladda caafunaad ee deegaannada maamulka Koonfur galbeed.

Isaaq Cali Subag oo ah Wasiirka caafimaadka ee Maamulka Koonfur galbeed oo goobjoog ka ahaa kulanka ayaa waxa uu warbaahinta uga warbixiyay kulanka ay la qaateen ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Waxa uu Isaaq ayaa sheegay inay ka wada hadleen horumarinta adeegyada caafimaad ee deegaanka, isagoo sheegay inay soo dhoweynayaan booqashada Lydia ay ku timid Baydhabo.

Dhanka kale, Wuxuu ka mahadceliyay dadaallada ay waddo ee wax looga qabanayo baahiyaha caafimaad ee gobolka ka jira.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News