26.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 8, 2025

Sawirro: Geelle oo Maman Sidikou kala hadlay arrimo khuseeya DF SOMALIA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismail Omar Gelle, ayaa waxa uu Magaalada Adis ababa ee cariga dalka Ethiopia kulan muhiim ah kula qaatay wakiilka ururka Midowga Afrika ee Somalia maman Sidikou.

Kulanka ayaa la tilmaamayaa inuu ahaa mid uu dalbaday Madaxweyne Geelle oo isagu Wadamada saaxiibada la ah Somalia ku cadaadinaayo inay dhameystiraan talaabooyinka harsan oo ay la daal-dhaceyso DF Somalia.

Geelle ayaa waxa uu Wakiilka ka codsaday in Madaxda sare ee Ururka Midowga Afrika, ay il gaar ah ku eegan talaabooyinka ay qaaday DF Somalia iyo kuwa u harsan, isagoona aad u amaanay kaalimaha ay ka qaadanayaan nabadeynta Somalia.

Madaxweyne Geelle, ayaa waxa uu kulankiisa diirada ku saarayay laba arrin oo kala ahaa Amaanka iyo xal ka gaarista Khilaafyada Somalia, waxa uuna maman Sidikou u sheegay inay u sahlan tahay isu keenida Siyasiyiinta kala aragtiyaha duwan maadama ay u nugulyihiin garabsiinta dalka Somalia oo iminka kasii baxaayo Burburkii ku habsaday dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, maman Sidikou, ayaa si niyad furan usoo dhaweeyay amaanta uu Madaxweyne Ismail u jeediyay Madaxda sare ee Ururka, waxa uuna balanqaaday inuu indhaha caalamka inta tabartiisa usoo jeedin doono Somalia.

Dhanka kale, maman Sidikou ayaa waxa uu Geelle u sheegay in xiligaani ay aad ugu howlan yihiin xaqiijinta iyo u gogol-xaarka doorashooyinka la filaayo inay ka dhacaan Somalia, waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay dhamaan doonaan dhamaan howlaha harsan ka hor inta aan la gaarin 2016-ka.

gele1 gele2 gele3 gele4

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News