27.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

MIDOWGA Yurub oo soo saary go’aan culus oo ku wajahan dowlada Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa ka wal walsan xasilloonni darro siyaasadeed oo ka sii socota waddanka Somaaliya, sida lugu sheegay war ay wada-jir usoo saareen wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan geska Afrika Alexander Rondos, iyo danjiraha Midowga Yurub Michele Cervone d’Urso.

Midowga Yurub ayaa ku qaabay in la dhamaytiro dhisidda xukuumadda oo u baahan codka baarlamaanka si ay u shaqo billowdo xilli uu dhammaad yahay fadhiga baarlamaanku.

Madaxweynaha, ra’’isul wasaaraha iyo baarlamaanka ayay ku booriyeen inay u midoobaan ujeeddada dalka lagu gaarsiinayo doorasho xor ah sanadka 2016-ka, ayadoo xukuumadda loo oggolaanayo in ay dalka ku hoggaamiso himiladaasi.

Waxay war ay soo saareen ku sheegeen Midowga Yurub in la joogo waqtigii la dhammaystiri lahaa tallaabooyinka aasaaska u ah dowlad dhisidda, nabadda iyo dhamaystirka dastuurka dalka. Warkooda ayay ku sheegeen Midowga Yurub inay dadka Soomaaliyeed ku gacan siinayaan sidii ay u dhisan lahaayeen hay’adahooda dowliga ah.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli an wali la dhameystirin xukuumadda waqtiga yar shaqeynaysa ee ra’iisul wasaare Sharma’arke, Waxaana kordhaya walaaca laga qabo hiigsiga cusub ee Soomaaliya, taasi oo keeni karta in caalamka ka niyad jabo DF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News