28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Shirkadda MECO oo koronto galin ka wadda magalada Muqdisho + Sawirro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Shirkada Korontada Midnimo Electric Company (MECO) ayaa koronto galin balaaran waxa ay kawadaa qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho, waxaana shaqada ay shirkadan heyso si weyn usoo dhaweeyay Shacabka Magaalada Muqdisho.

Shirkada MECO ayaa hada ka howlgasha koronto galin balaarana ka sameesay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxa ayna hada shirkada wadaa in ay korontadeeda gaarsiiso Guud ahaan Magaalada Muqdisho si ay u haqab tirto dadka u baahan koronto tayadeedu sareyso aadna u qiimo jaban .

MECO ayaa magaalada Muqdisho keentay qalab cusub oo casri ah oo dhinaca korontada ah, waxa ayna shirkada leedahay Matooro waa weyn oo awood badan u leh in ay koronto siiyaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Maamulaha Guud ee Shirkada Korontada MECO C/Qaadir Xasan Ciise (Boqol jirow) ayaa sheegay in Shirkadiisa ay kawado Magaalada Muqdisho koronto galin balaaran, waxa uuna intaa raaciyay waqtiyada soo aadan ay rajeenayaan in ay koronto wada gaarsiiyaan Guud ahaan Muqdisho.

Shirkada MECO oo ka fikirtay Bilicda Magaalada Muqdisho iyo in aysan waxyeelo shacabka kasoo gaarin baalayaasha daxaleestay ee Magaalada suran ayey waxa ay keentay baalayaal cusub oo ka qeyb qaadanaya bilicda Magaalada sidoo kale aan waxyeelo kasoo gaareyn shacabka.

Shirkada MECO ayaa kamid ah Shirkadaha Korontada bixiya ee kuyaala Magaalada Muqdisho , waxa ayna shirkadan kaga duwan tahay Shirkadaha kale ee Korontada bixiya in ay macaamiisheeda Korontada ku siiso qiimo jaban oo dadku ay raali ka yihiin.

mec (1)mec (2)mec (3)mec (4)mec (5)mec (6)mec (7)mec (8)

Waxii Faah Faahin Intaas Dheer kala Xariir Shirkada MECO
Tell: 603725/0615503342/0615966660/0699968654
Email [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News