25.1 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

Daawo sawirka gaashaanle geesi ah oo MUQDISHO ugu xiran caddaalad darro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaashaanle dhexe Cismaan Cilmi Guure Cukaash ayaa lix bilood cadaalad daro ugu xiran Xabsiga Muqdisho iyadoo sidoo kale habeen walba si xun loo garaaco sida ay sheegeen dad xog ogaal u ah arrintan.

Gaashaanle dhexe Cukaash ayaa Xabsiga loo taxaabay kadib markii uu Gabay ku cabiray Musuqmaasuqa lagu duudsaday xaquuqdii Ciidanka Milileteriga Somalia.

Taliyaha Ciidanka Militeriga Somalia Jeneraal Indha Qarshe ayaa noqday shaqsiga ugu musuqmaasuqa badan Saraakiisha sare ee Ciidamadda Somalia.

Gaashaanle dhexe Cismaan Cilmi Guure Cukaash
Gaashaanle dhexe Cismaan Cilmi Guure Cukaash

Indha Qarshe ayaa amray in Xabsiga loo taxaabo Gaashaanle dhexe Cismaan Cilmi Guure hase yeeshee nasiib daro lix bilood Maxkamad lama horgeyn ,wuxuuna sharciga qabaa in Muwaadinka lagu horgeeyo cadaaladda 42 maalmood gudahood.

Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay xariga xaqdarada ee Abwaan Cukaash ugu xiran yahay afkaartiisa shaqsi.

Gudoomiye ku xigeenka golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed Abwaan Abaabul ayaa yiri “Wuxuu golaheena ugu baaqayaa Madaxda Dowladda iney si degdega ku sii daayaan Abwaan Cismaan Cilmi Guure maxaa yeelay lama joogo maalmahii loo xiri jiray Abwaaniinta suugaantooda iyo xoriyadooda hadalka”.

Abwaan Cismaan Cukaash wuxuu u dhashay Beelweynta Hawiye gaar ahaan Xawaadle, wuxuuna noqday shaqsi galay diiwaanka Geesiyaasha Soomaaliyeed maadama uu xaquuqda la duudsaday ee Ciidanka Qaranka Somalia u dooday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News