Buurya-qab Kay ayaa Soomaali xukuma

Waxaan la wadaagi lahaa Somalida jawaabaha ka bixinaya qoraalkii uu qoray  Nicholas Kay  Thursday  September 25, 2014  oo uu kaga hadlayay arimaha Somalia iyo sida loo unki karo dowlad Somalida ku dhan tahay,waxaan dhihi lahaa ugu horeeyn Nicholas Kay waxaa uu ka soo jeedaa kuwii Somalida gumeeysiga kula kacay 1892 ilaa 1960,burburiyay dhanwalba dhaqanka ,dhaqaalaha iyo shacuubtii deganeeyn geeska Afrika qaasatan Somalida,awoowayaashiisa waxaa aay nooga tagageen oo eey noo sameeyeen Jamhurida Dimoqoraadiga Somaliya waxeeyna  manta u socdaan in aay ku bedelaan Jamhuuriyada Federaalka Somalyai,madaxada ugu sareeysa ee gumeeysiga cusub ee Somaliya waxaa u shaqeeya ciidamada AMISOM oo ka kooban dalalka Uganda,Brundi,Ethiopia iyo kuwa faro badan oo cadaan ah sida qormadiisa Nicholas Kay aay ku cadahay: People are often surprised to hear that every day the UN has about 1,300 staff working across Somalia, of whom at least 200 are international staff working in Mogadishu. We are here to help and here to stay for as long as we are needed. And we are not alone: among others the European Union, Inter-Governmental Authority on Development, League of Arab States, Organisation of Islamic Conference, UK, China, Turkey, UAE, US, and Ethiopia are more and more present on the ground.

Xassan Shekh  oo ah hogaansamaha  hirgelinta ujeedka Nacholas Kay uu u joogo dalka Somali ayaan ka badin Karin dhaqaale ururusi iyo u adeega gumeeysiga cusub,shaqada Nicholas Kay waxaa mudneeyn in aay ku koobnaato, oo kalya taageerida iyo dhiiragelinta nabada iyo gargaarka umada abaaraha ku habsatay  balse manta xuduudaasi waa uu ka gudbay oo si barer ah ayuu siyaasada dalka ugu lug leeyahay,waxaad arkeeysaa  asaga oo marwalba tagaya gobolada shirarka ka socda sida Bay,Puntlan iyo Kismaanyo,waxaa uu ka mid yahay Nicholas Kay raga jaangooya siyaasada fuliyana hadafka ah in dalka laga dhigo ilaa iyo 6-7 dowlad goboleed oo calamo u gooni ha leh , dowlado  baarlaamaan iyo gole wasirro iyo madaxweeyne leh,dowlad goboleed walbana marjaceedu noqdo dastuur aay iyada sameeysatay,waa QEEYBI OO XUKUN aragtidii gumeeysiga ku soo caanomaalay qarnigii hore welina dabada ka hayo qarnigaan cusub.

Nicholas Kay ujeedka ugu weeyn uu dalka u joogaa iyo mika loogu soo magacaabay in uu UN ka u matalo Somalia waxaa aay tahay:

  • In uu abuuro Somalida cusub oo magaceeda la dhaho Jamhuuriyada Federaalka Somaliya oo aanan awood weeyn laheeyn balse marwalbaa dowlada yer ay awooda kula qabsato dowlada dhexe sida Puntland,
  • Dahqaalaha dalka Somalia in dowladaha yar-yari noqdaan kuwa leh awooda qeeybsiga ugu weeyn,awoodna u yeeshaan in aay xirri dhaw iyo mid dheer la galaan cida aay doonaan.
  • Somaliya awoodii ay laheeyn ee xaga  gobka geeska Afrika oo laga dhigo kuwo loo taliyo,taladana wax laga weeydiiyo dowladaha yar-yar sida Puntland.
  • In la abuuro dowlado yar-ayar oo aanan isdhexmari Karin ,ganacsigana uu noqo mid canshuurtiisa aay noqoto ilaa seddex jibaar,tusaale: Puntland waxaa aay qorsheeyneeysaa in aay qudaarta ka soo gadato Ethiopia iyda diidan in aay dowlad goboleeka deriska la ah sida Maamulka G.Dhexe haddiiba loo sameeyo ama Hiiraan ama Sh/ Hoose iwm
  • Gumeysiga waxaa uu abuurayaa in uu qeeyraadka dalka aayan dowlad dhexe awood ku yeelan cidii uu doonane la heshiiyo.
  • Dowlad Goboleedwalba waxaa la siiyay xeeb iyo bad si aanan dagaal u imaan,waa mida keentahay in sh/hoose lagu daro Koonfur Galbeed ,sida oo kale G.Gado waxaa bad looga dhigay Kismaanyo,.

Xasan Sheekh waxaa uu u  adeegaa Nicholas Kay,Nicholas Kay waxuu xukumaa  AMISOM  ( Ugaanda,Burundi,Ethiopia Siralion ) ciidan ahaan,sida oo kale waxaa u adeega Nicholas Kay ciidamo USA,Yurub iyo caalamka intiisa aaminsan ujedka kala qeeybinta Somaliya iyo dhisida Somalida cusun ,Jamhuuriya Federaalka Somalia.Hassan maaha Hogaamiye balse waa Hogaansame.

W/Q: Dr. Ali.A. Hirabe       

Hirabe_a@hotmail.com    

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid