DAD BAAN AQOON DOWLADNIMADA !!

By Asad Cabdullahi Mataan

Waxeey aheyd goor barqo ah,markii uu iigu yimi goob shaaha lagu cabo nin saaxiibkeey ah oo ka mid ah dadka Dowlad ku noolka ah,oo ay cadho aad u xoogani wajigiisa ka muuqato waxa uuna igu yiri,”Waxa ay I leeyihiin dowladda ayaad mucaarad ku tahay”hadal kuma aanan celin bal in uu nafiso iyo in kale,balse isaga oo aan weli salka kursiga la helin buu intuu hareeraha iska eegay hadana igu yiri,” Oo Kaalay qofkii ay dangaara iyo dan guudba isku qabataan qof ama koox ka mid ah shaqaalaha Dowladda ma mucaarad baa.”!!

Meesha oo saxmad badneyd darteed warkiisa dad badani ma aaney maqal balse nin oday ah oo naga ag dhawaa si guudna ula socday hadalada saaxiibkeey uu ka gubanayo ayaa la soo booday, “War Adeeroow kuwa sidaa ku leh miyaadan ogeyn in aaneey badankooduba dowladnimada aqoon,amaba ay u heystaan in ay dowladdu iyaga oo kaliya tahay, oo qofkii wax ka sheega ama dhaliila labiskooda ay ku calaamadeynayaan in uu dowladda mucaarad ku yahay/”.

Anigu waan hadli kari waayay,waayoo anigoo aad la yaaban hadalka saaxibkeey ayaan markale la sii fajacay hadalka ka soo yeedhay ninka odayga ah oo malaha ay sheekadaan oo kale horay ugu soo dhacday balse kaga dawoobay hadalka uu iminka ku dawee is leeyahay inanka ila hadlayay, waxaanse soo baraarugay oo isha ku xaday Saaxiibkeey oo mindhaa inta uu aamusnaanteyda dhibsaday aad ugu riyaaqaya jawaabta uu Odaygu ka bixiyay hadalkiisa, waxa ayna iila muuqdeen laba ruux oo waqtiyo kala duwan dhibanayaal u noqday shaqsiyaad ka tirsan shaqaalaha dowladda oo aan aqoon fiican u laheyn Macnaha dowladnimada.

Xaqiiqdii waxa ay aheyd sheeko saacado badan ku soo noq noqtay maskaxdeyda, xataa markii aan gurigeyga tagay waxa ay xasuusteydu dib u soo aqrisay dhacdooyin dhowr ah oo ay waqtiyo kala duwan iiga sheekeeyn jireen dad kale oo ay dhacdadaan oo kale qabsatay,balse aanan rog rogin sida kuwa maanta aan la kulmay oo kale,waxaase ii soo baxday in ay jiraan tira kaloo aad u badan oo dhibanayaal u ah ama ay nacsiiyeen dowladnimada Madax hoose oo ay aad u liidato fahamkooda dowladeed, maadaama iyaga oo aan waligood nidaam dowladeed arag waayadaan danbana aan helin aqoon kororsi ka turjumaya macnaha dowladnimada ay qaarkood beylah ku heleen Xilal Wasaaradeed,Darajooyin Ciidan,mid ganacsi iyo Masuuliyado kale oo aaney aqoon iyo waaya aragnimo toona u laheyn.

Balse mudadaanba waxaan u soo joognay dhaqan ah in qofku marka uu dowladda ka tirsan yahayna in uu difaaco marka uusan ka mid aheyna uu wax ka sheeg sheego, sida hadda kaaga muuqaneysa shaqsiyaad ka tirsan shaqaalaha dowladda oo hadii aad damacdo in aad fikirkaaga ku tilmaantid dhaliilaha ay leedahay dowladda, ama waxyaabo adiga ku quseeya oo ay dowladdu gacanta ku heyso si loogu baraarugo loona saxo qaladaadkaas muuqda,durbadiiba si weyn kuugu caroonaya, lagana yaabo in aad adigu ka mid tahay dadkii u soo joogay hab dhaqankooda xiliyadii Dowladaha KMG ah ay shaqeynayeen.
Laakiin sheekadaasi waxa ay I soo xasuusisay, Bilihii June,July iyo August, ee 2014-ka, waxa ay ahaayeen bilihii mar kale dib boorka looga jafay si loo baal rog rogo Xeerkii Saxaafadda ee 2006-dii dowladii KMG aheyd ee Embaghti lagu soo dhisay ka soo unkamay, ,waxaa durbaba shukaanta gaariga ku soo booday shaqsiyaad ka tirsan shaqaalaha dowladda, oo u arkaya in ay Xeerka Saxaafadda ka xigaan Suxufiyiinta kale ee madaxa banaan, amaba sida dadka qaar u fahmeen laga yaabo in ay u xuurteysan yihiin dano gaar ah oo iyaga u qarsoon.
Sida aan ka soo xigtay Qore: Abdulkadir Mohamud (Jangali ] oo isna sida ku xusan qoraalkiisa ka soo min guuriyay , Md,Cali-Mattan Xaashi oo horrantii todobaatanaadkii ku soo qori jirey jariidaddi Xidigta Octoobar maqaalo tixana ah oo cinwankoodu ahaa “Dad baan aqoone dowladnimo waa maxay?”. Cali-Mattan oo ka mid ahaa 25tii Sargaal ee xukunka kala wareegi jiray dowladdii rayidka ahayd 21kii Octobar 1969 ayagoo ku eedeyey mus-maasuq iyo caddaalad darro ay dowladdu kula dhaqantay shacabkeeda, ayuu (Cali-Mattan) durbadiiba dareemay in rag ka-mid ah Golihii Sare ee Kacaanka ay bilaabeen xumaantii ay ka dhiidhiyeen. Waxaana qoraaldiisii ka xasuustaa erayadaan: “Ubaxa iyo Celeemaha qoyan shacabka Soomaalidu noogu ruxi meyn xiddigaha garbeheena ku taxan iyo aragga wajiyadeena toonna ee isbadal dhab ah oo caddaalad iyo horumar ku dhisan ayey naga sugayeen.”

Hadaba,dareenkii iyo sababtii ku xambaartay Todobaatameeyadii { Cali-Mataan Xaashi }in Wargeyskii dalka ka soo bixi jiray ee Xidigta Oktoobar uu ku daabaco Qormooyin taxane ah oo ka hadlaya dowladnimada.waa tan Anna Maanta igu riixeysa in aan qoro warbixino la mid ah kuwaa oo is daba yaala, si mug lehna uga hadlaya ama u taabanaya fasirka dowladnimo iyo waajibaadka Muwaadin kasta lagu leeyahay iyo midka uu ku leeyahay dowladda labadaba, taasoo aan hubo in ay xiligaan in badan oo ka mid ah bulshadeenu aad ugu baahan tahay si loo helo mustaqbalka dhaw Umad wax ka taqaana macna ahaan Dowladnimada oo ku wada dhaqanta.

=DHAMAAD=

Qalikii:- Abdukadir Dulyar
Dulyar23@gmail.com
Muqdisho/Soomaaliya.//=

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid