C/llaahi Sanbaloolshe oo ka hadlay arrimo xasaasi ah iyo amniga doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Soomaaliyeed, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka qeyb-galayey dood ka dhacday barta Internet-ka ee Clubhouse ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan doorashooyinka iyo arrimaha ammaanka.

Sanbalooshe oo ka jawaabayey su’aallo la weydiinayey ayaa si faah faahsan uga warbixiyey tabashada ay doorashooyinka muujinayaan xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in amniga doorashada aysan sugi karin ciidanka Haramcad, Gorgor iyo Waran, kuwaas oo uu ku eedeeyey in loo adeegsado arrimo siyaasadeed.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in shakigan uu yimid wixii ka dambeeyey 19-kii Febraayo, gaar ahaan weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka.

Taliyihii hore ee nabad-sugida Soomaaliya ayaa soo jeediyey in loo baahanyahay in amniga doorashooyinka lagu wareejiyo ciidamada Booliiska iyo kuwa AMISOM.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli is mari-waa xoogan uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka oo isku hayaan dowladda dhexe & mucaaradka.