C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo difaacay madaxweyne Farmaajo kuna tilmaamay safarkiisa seef laba af leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa si diblumaasiyad ay u dheehan kaga hadlay safarkii madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Nairobi.

Xildhibaanka ayaa ugu horeyn sheegay in safarka madaxweyne Farmaajo ee magaalada Nairobi uu ku tilmaamayo inuu ahaa mid muujiyay “Niyad Wanaag Saaid ah” oo uu sameeyay madaxweynaha.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu ka shaqeeyay sidii loo xalin lahaa Khilaafka dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo xumaaday bartamihii bishii lasoo dhaafay ee Febraayo.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil ayaa sheegay in safarka madaxweynaha Soomaaliya uu yahay seef labo af leh, isaga oo kala jeeday in mar ay awood siin karto dowladda Kenya, halka dhinaca kale marka laga eego uu muujinayo inuu sameeyay Niyad sami wanaagsan.

“Madaxweynaha wuxuu sameeyay Niyad Sami Saa’id ah, waana wax loo baahnaa, wey wanaagsaneyd in Addis Ababa uu shirka ka dhaco, laakiin Safarkaasi waa Seef labo af leh, kama hordhacayo waxa soo baxaya, balse waxaan filayaa in wanaag uu ku dhamaado”ayuu yiri Xildhibaanka.

Ugu yaraan wuxuu sheegay in loo baahnaa in kulankaasi uu ka dhaco magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, balse aysan dhicin maadaama labada hogaan ee Ethiopia iyo Soomaaliya ay tageen magaalada Nairobi.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya walaac badan ayaa laga muujiyay, waxaana siyaasiyiin badan ay sheegeen inay qabaan in madaxweynaha uu tanaasulaad sameeyay walow madaxtooyada ay beenisay wararkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com