C/rashiid Xidig oo shaaca ka qaaay inuu SHIRQOOL ka billowday KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah saddexda madaxweyne ee dhowaan lagu doortay magaallo xeebeedla Kismaayo ayaa sheegay in shirqoolo ka dhan ah xubnaha isbedal doonka uu ka bilowday magaaladaasi.

Xidig oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa xaqiijiyey in la beegsanayo qaar ka mid ah xubnihii la doortay, golaha baarlamaanka, odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan shacabka isbedel doonka, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhammaan isbedel doonka Jubbaland waxaan idiin xaqiijinayaa inay bilaabatay shirqoolo lagu ugaadhsanayo xubnihii isbedel doonka iyo qaar kamida xubnihii la doortay, golaha baarlamaanka , odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan shacabka isbedel doonka.” ayuu yiri C/rashiid Xidig.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jiri doonin cid hor istaagi karta  geediga isbedelka Jubbaland, islamarkaana ay guuleysan doonaan.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan doorashooyin iska horjeed ay ka dhacayeen Kismaayo, laguna doortay Axmed Madoobe, Cabdirashiid Xidig, iyo Cabdinaasir Seeraar.

Sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta Jubbaland xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe ayaa dhaceysa 26-ka bisha September soo socota.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com