DF oo amartay diyaaradaha Kismaayo ku socda ama ka imaada ay soo maraan Xamar

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa amartay in haatan wixii ka dambeeya diyaaradaha ku socda ama ka yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose inay soo maraan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Amarkan ayaa waxaa soo saartay hay’adda duulista iyo saadaasha hawada ee Soomaaliya.

Saraakiisha hay’addu ma shaacin sababta rasmiga ee ka dambeysa amarka ay soo saartay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid lagu koontaroolayo diyaaradaha ka dega garoonka magaalada Kismaayo.

Inta badan dhaq dhaqaaqa diyaaradaha isticmaala garoonkaasi ayaan la ogeyn, iyadoona Jubbaland ay hakad gelisay xilligii doorashada ee maamulkaasi.

Amarka ka soo baxay dowlad dhexe ayaa sidoo kale  ku soo aadaya, iyadoo dhowaan la filaya in la caleema saaro Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  inkastoo xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ka hortimid natiijada doorashadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com