C/W Gaas oo taliyeyaasha ciidamada ku amray inay u diyaar garoobaan dagaal

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo shir gudoomiyey kulanka golihiisa xukuumadda ayaa warbixin ka dhageystay guddiga difaaca ee Puntland oo qaabilsanaa arrimaha ka socda gobalka Sool oo ay isku hayaan ciidamada Puntland iyo Somaliland, ayna is horfadhiyeen 10-kii bilood ee la soo dhaafay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyada Puntland ayaa lagu cadeeyey in madaxweyne Gaas uu ku amray taliyeyaasha iyo laamaha ammaanka in ay u diyaar garoobaan difaaca dalka, taas oo ku soo aadeysa xili ay dhaqaaqyo ciidan ka socdaan gobalka Sool.

Wararka la helayo ayaa waxa ay shegayaan in madaxweynaha Puntland  C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu qorsheynayo weerar lagu qaado ciidamada Somaliland ee ku sugan degaanada gobolka Sool.

Maalmaha ka haray doorashada Madaxtinimada Puntland ayay doonaysaa madaxtooyadu in ay dib u soo celiso gobalka Sool, waxaana ay rumeysan yihiin madaxweyne Gaas iyo kuxigeenkiisa Camey in ay taageero dheeraad ah ku helayaan.

Falanqeeyayaasha siyaasadda Puntland ayaa rumeysan in isku dayada dagaal iyo ciidan ee hadda socda ay dhabaha u xaari karaan in hanaanka doorashooyinka ay wax iska bedelaan, gaar ahaan ugu yaraan gaabis ku yimaado.

Loolan adag ayey hadda kala kulmayaan bulshada iyo musharaxiinta madaxda xilka haysaa, waxayna aad xooga u saarayaan sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen xubnaha baarlamaanka ee imaanaya.

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu eedeynayaa in uu kufashilmay mudadii uu hayey xilka Madaxweyne-nimada, gaar ahaana dhinacyada dibu dhiska ciidamada, Shaqaalaha, Dhaqaalaha oo gaaray meeshii ugu xumeyd oo aysan xaquuqda shaqaaluhu helin ka badan Hal sanno iyo luminta maqaamka siyaasadeed ee mandiqadu ku lahayd dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com