FARMAAJO oo shaaciyey culeys dowlada ka haysta mowqifyada ay qaadatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hanaanka ay dowlada Somalia u hageyso Siyaasada arrimaha dibadda iyo fal celinta ay kala kulanto khilaafyada u dhexeeya wadamada carabta.

Farmaajo, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay garankarto wixii u wanaagsan Umadda Soomaaliyeed maadaama ay iyadu tahay cida mas’uulka ka ah .

Waxa uu sheegay in madaxda dalka ay mas’uuliyad gaara ka saran tahay siyaasad toosinta waxa uuna meesha ka saray in go’aan waliba oo ay qaatan uu yahay mid si degdeg ah lagu gaaray, waxa uuna taa bedelkeeda tilmaamay in wadatashiyo kala duwan ay ka sameeyan.

Waxa uu sheegay in dowlada Somalia hadafkeeda cad uu yahay in dal waliba ay ku yeelato saameyn iyo Siyaasad cad, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay in wadamada kalaba ay doonayan dano gaara oo uga xiran Somalia.

Madaxweyne Farmaajo, isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in dowladiisa ay Khilaafka wadamada Khaliijka kala kulantay culeys Siyaasadeed.

Waxa uu Farmaajo sheegay iyadoo ay jiran culeysyo ay kala kulmayaan dhanka go’aanada Khaliijka hadana in mar waliba ay raadiyaan xal wanaagsan oo ay ku nabad galeyso Somalia.

Sidoo kale, Wasaaradda arrimaha Dibadda ayuu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inay la timaado qorsho cad oo taageero looga raadinayo wadamada Caalamka.

Farmaajo waxa uu ku baaqay in dowlada Somalia looga danbeeyo waxyaabaha ku xeeran arrimaha dibadda maadaama talaabo waliba oo ay qaado ay u eegeyso dhanka wanaaga.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxweyne Farmaajo uu mowqifkaani ka sheegay shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, waxa ayna imaaneysaa xili ay DFS mowqif dhex dhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com