Farmaajo oo shaaciyey sida R/W KHEYRE iyo isaga ay u xalliyaan khilaafkooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay qaabka ay ku maareeyaan isaga iyo Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre haddii uu soo dhex galo khilaaf la xiriira dhanka shaqada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ammaan u jeediyey Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre xilli uu kala qeybgalay shirka toddobaad laha ah ee Golaha Wasiirada oo uu tilmaamayey shaqada hufan ee uu qatay 18-kii bilood ee Xukumaddu jirtay.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaya sida ay ula xalliyaan khilaafkooda waxa uu yiri “Mar kii ay timaado arrin culus oon isku qabsano labadeena waan u talo badsanaa, ka dib waxaan raadina khubaro kuwaas oo keena xalka ugu wanaagsan, ma jirto dan shaqsi oo dhexdeena ee waxaan ka shaqeeyna danta Guud. Waxaana awooda saarna mar walba in la helo xalka ugu wanaagsan, ummada Soomaliyeed waxay heystaan ra’iisul wasaare wanaagsan iyo gole wasiiro oo iyana wanaagsan.”

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo mar walba wax walba oo wanaaga u aaneeya Madaxweyne Farmaajo ayaa Golaha Wasiirada ka hor sheegay in ay fuliyeen ka Xukumad ahaan, hadana wadaan ka shaqeynteeda barnaamijkiisii siyaasadda ee uu ku galay doorashadii 2017.

Arrintan ayaa ah mid damaqday dareenka shacabka Soomaaliyeed oo aan hore u arag hoggaamiyeyaal Soomaaliyeed oo wada shaqeeya kuwaas oo isu hibeeya guulaha ay gaaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com