Maxammed Bin Salmaan oo fashil dhex-taagan kaddib go’aanka MADAXDA iyo shirkdaha caalamka (Aqri)

Riyadh (Caasimada Online) – Shirkadaha iyo hay’adaha ugu weyn ee dunida ayaa qaadacaya shir maal-gashi oo 23-ka illaa 25-ka October lagu qaban doono dalka Saudi Arabia, sababo la xiriira xaaladda suxufiga la lay’ayah ee Jamal Khashoggi.

Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF Christine Lagarde oo lagu waday inay ka qeyb-gasho shirka, ayaa baajisay safarkeeda, sida uu sheegay afhayeenka IMF, oo aan bixin wax sharraxaad ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in xoghayaha maaliyadda Steven Mnuchin uu sidoo kale go’aansaday inuusan ka qeyb galin shirka Hindisaha Maal-Gashiga Mustaqbalka ee Riyadh iyo in kale.

Shirkan oo ay soo abaabushay hay’adda Sanduuq Maal-galinta Guud ee Sacuudiga ayaa waxaa qorshuhu yahay in lagu muujiyo isbeddelada dhaqaale ee uu wado dhaxal-suge Maxamed Bin Salman.

Si kastaba, shirkan ayaa jahwareer uu asiibay kadib markii la waayey suxufiga sacuudiga ee Jamal Khashoggi, oo ahaa nin dhaliila boqortooyada, kaasi oo aan la arag tan iyo labadii October markaasi oo uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Website-ka shirka oo markii hore ay ka muuqdeen liiska dadka ka hadli doona shirka, ayaa hadda laga saaray liiskaas, xilli ay sii kordhayaan dadka shirka qaadacaya.

Shirkadaha iyo madax ilaa hadda shirka qaadacay ayaa kala ah:

Siyaasadda

— Xoghayaha maaliyadda Mareykanka, Steven Mnuchin

— Wasiirka dhaqaalaha France, Bruno Le Maire

— Xoghayaha ganacsiga Britain, Liam Fox

— Wasiirka maaliyadda Holland, Wopke Hoekstra

Maaliyadda

— Madaxa Bankiga HSBC, John Flint

— Madaxa shirkadda Credit Suisse, Tidjane Thiam

— Madaxa MasterCard, Ajay Banga

— Madaxa shirkadda BNP, Jean Lemierre

— Madaxa shirkadda Societe Generale,  Frederic Oudea

— Madaxa Bankiga JPMorgan Chase, Jamie Dimon

— Madaxa shirkadda BlackRock,  Larry Fink

— Madaxa shirkadda Blackstone, Stephen Schwarzman

— Madaxa Bankiga Standard Chartered, Bill Winters

— Madaxa suuqa saamiyadda London Stock Exchange, David Schwimmer

Ganacsiga iyo teknoolajiyadda

— Guddoomiyaha shirkadda baabuurta Ford, Bill Ford

— Madaxa shirkadda taxi-yada Uber, Dara Khosrowshahi

— Bilyineerka British-ka ee Richard Branson

— Madaxa shirkadda Thrive, Ariana Huffington

— Madaxa Google Cloud, Diane Greene

Warbaahinta

— Madaxa shirkadda Viacom, Bob Bakish