Xisbiga Wadajir oo aad uga horyimid sharci xasaasi oo DF ay rabto inay ansixiso

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay ka qeyb-galay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada ayaa xukuumadda Soomaaliya u soo-jeediyey inay hindise sharciyeedka doorashooyinka ansixiyaan todobaadka soo socda uuna u gudbo baarlamaanka federaalka ah, una daba-galaan, si doorasho uga dhacdo Soomaaliya  2020-ka.

Madaxweyne Farmaajo oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Waxaan ka hadalnay inclusive politics  oo ah siyaasadda loo dhanyahay, waxaan idiinka codsanayaa usbuuca soo socda in aad ansixisaan sharciga doorashooyinka, si annaga ay nooga dhammaato xukuumad ahaan, oo sanadkan dhammaandkiisa ay baarlamaanki u ansixiyaan si uusan waqti nooga lumin, in aan ku daba galno golaha shacabka, oo si doorasho loo qabto 2020-ka ay ansixiyaan sharcigaas”.

Dhinaca kale, axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa arrintan ka hor-yimid.

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale ayaa yiri “Hadda ayaan warbaahinta ka arkay, madaxweynuhu inuu yiri sharciga doorashooyinka ha la keeno simitaanka soo socda, innagu waxaan xiriir leenahay guddiga doorashooyinka qaranka iyo wasaaradda arrimaha gudaha ilaa hadda xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda oo aan la xiriireynay beryahan oo dhan waxaa uu naga balanqaaday inuu u keenni-doono wadatashi, sharuucda golaha wasiirrada iyo baarlamaanka lama geeyo iyada oo aan lageyn wadatashi…aragti ayaan ka leenahay, input badan ayaan rabnaa in aan gelino, waayo waa sharcigii hagayey xisbiyaga raba inay u tartanto doorashada qaranka, marka howl inaga na quseyso waaye”.

Mr. Kamaal ayaa dhinaca kale ka hadlay saameynta sharciga “Qodobka 2aad, heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray Baydhabo waxaa la isku raacay in la qaato “matalaada isku dheelitiran liiska xiran”, laakin ma lagu heshiin Satate constituency ama single constituency, arrintaas heshiis lagama gaarin, haddii la dhaho Satate constituency sharci si ayuu u qormaayaa, haddii la dhaho single constituency si kale ayuu u qormaa, sharciga marka la qoranaya, dowladda go’aan ay gaartay oo aysan aragti kale gelin, waa sharci baxsad ah, waxaan u sheegeynaa dowladduu inay soo celiso, wadatashi gesliso, innagana ay nagala hadasho”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com