Aqriso: Waligaa hal mar ma aqrisatay qudbadii Sadam Xuseen ee ugu dambeysay? (Waxay gashay Taariikhda)

• Magacaaga Sheeg

Xaakimka ama qaadiga ayaa Sadam Xuseen alla ha u raxmadee magaciisa weydiiyay. Kadib wuxuu Saadam Xuseen ku jawaabay

“Dastuurka Ciraaq waan xushmeynayaa lakin dastuur uu Bush wax kudaray ma ahan midka aan xushmeeynayo.

“Magaceeyga waa macruuf, mana kuu sheegayo. Mase Bush ayaa su’ashan kuu soo dhiibay Yaa xaakim”

“Islaamka waa dowlad guureeysa. Adiga xaakim waxaad halkaan ku fadhisaa fikrad Mareykan. Waa is ognahay dhamaanteen”

• Xaakimka Oo Salaad U Diiday Sadam

“Labo wajeer waxaan kuu sheegay in waqtiga salaada casar la joogo lakin waad iska indho tirtay, sabab?”

“Ka cabsan maayo qofna xitaa adiga iyo wixii lamidka ah. Waxaan kaliya ka cabsanayaa waa Alle swt”.

• Mar uu xaakimka hadalka ku celiyay Sadam Xuseen ayuu sidaan ugu jawaabay.

“Xaakim, aniga maahi arday wax ka dhigta iskuulkaaga. Igu xushmeey inaan ahay madaxweynahaaga”

“Waxaan kutasay dhaawacyada mareykanka ii geysteen. Wali waad aamini weysan tahay sababtoo ah Bushka xun ayaa kugu yiri kalmad walbo oo Sadam uu sheego yaan la rumeysan”

• Kalmado Ay Wali Xasuustaan Shacabka Ciraaq

“Dadka marqaatiyaasha ah waxey ka dhex hadlayaan qol aan daaqado lahayn. Micnaha aan ula jeedo waad fahmi kartaa”

“Daanyeerada markeey ku qoslayaan geedaha korkeeda Libaaxa wax ‘Care’ ah ma siiyo”

• Habaarkii Uu Bush Iyo Peres

“Naclatullah Bush iyo Peres-ka isra’il. Waan ogahay in maxkamadaan ay kor joogto ka yihiin lakin maalin waxaa dhaceeysa aad ka shalaayi doontaan”

“Kitaabkaas gacanta iigu jira ayaan aaminsanahay. Waligeeyna aaminsanaa, wax geeri ah kama baqayo lakin Ciraaq waxaad gacanta u galiseen Yahuud iyo Kufaar”

• Carab Iyo Gumeysi

“Carab oo dhan waa gumeestayaal kor laga heysto. Arag Sacuudig, arag Imaaraadka, arag Kuweet iyo maanta ciraaq”

“Waxaan ka xumahay anigoo arkaya in dalkeeyga lagu soo duulay in dadkeeyga ay gacmaha iga xirxireen”

“I dhageysta shacabka islaamkoow. Marnaba ha ogolaanina in dalkiina ay soo faragaliyaan yahuud iyo reer Galbeed”

“Kuwo daciif oo idinka mid ah ayey qalbiga ka xadayaan kadibna dalkiina ayey la wareegayaan. Waqtigii rasuulkana wey jirtay arintaas”.

• Allahu Akbar

Maxkamada markeey ku dhawaaqday in ugu dambeyn la daldalo madaxweynihii hore Ciraaq ayuu yiri Sadam isagoo aad u qiireeysan

“Allahu akbar, allahu akbar, allahu akbar. Ciraaq wey jireeysaa, saddam geeri kama baqayo. Gaalo ayaad u shaqeeyseen oo dalkiina gacanta u galiseen”

“Allahu akbar, alle i abuurtay ayaan dib ugu noqonayaa. Naclatullah mareykan iyo wixii taageersan, geeri waa xaq. Saddam waa baxay shacabka ciraaqoow”

Kadib Isagoo salaad sunno ah tukaday kadibna kitaabka aayado ka aqristay ayaa la daldalay maalin Ciid ah.

Waxaa Qoray: Idris Abdulkadir