Guurka gabar Falastiini ah iyo wiil Israeli ah oo carro badan ka abuuray ISRAEL

Tel Aviv (Caasimada Online) – Gabadh reer Falastiin oo tebiyaha ka aha mid ka mid ah taleefishinada Israel, Lucy Aharish ayaa lagu eedeeyey in ay dooneyso waxyeeleynta Israel kaddib markii ay guursatay lamaaneheeda ah jilaa isna Israeli ah Tsahi Halevi shalay.

“Waxaan saxiixeynaa heshiis nabadeed,” waxaa sidaas ku kaftamay labada lamaane xilli ay fidinayeen casuumadda arooskooda, sida ay qortay majaladda Hayom.

Xubin ka tirsan baarlamanka Israel ee Knesset, Oren Hazan ayaa ku baaqay in la joojiyo YUHUUDEYNTA isaga oo yiri: “Ku Eedeyn maayo Lucy Aharsih in ay shukaasato naf Yuhuudi ah iyada oo ka leh hadaf ay ku dhaawaceyso dalkeenna iyo in ay is hortaagto in ay dhashaan farac Yuhuud ah oo sii wada dhaxalka Yuhuudda, taas cagsigeed, haddii ay iyadu is bedeleyso waan soo dhaweyneynaa.”

Guurkaas waxaa sidoo kale meesha ka saaray Arye Deri, oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha ee Israel.

“Waa arrin iyaga u gaar ah. Laakiin, ka Yuhuudi ahaan, waa in aan kuu sheego in aan waxyaabaha ceynkaas ah ka soo horjeedo iyada oo ay sababtu tahay waajibka naga saaran ilaalinta dadka Yuhuudda ah,” ayuu Deri ku siiyey wareysi Raadiyaha ciidamada ee Israel. “Carruurtooda wey guri doonaan, dugsi ayey aadi doonaan oo mar dambena wey guursan doonaan, waxa ayna wajihi doonaan dhibaatooyin adag.”

Halevi oo ah jilaa Yuhuudi ah balse aad ugu hadla luuqadda Carabiga, waxa uu hore u ahaa taliye qarsoon oo ka hawlgali jiray xuduudaha Falastiiniyiinta – door oo aad ugu soo caan baxay markii uu ka soo muuqday filimka taxanaha ah ee Netflix series “Fauda”.

Aharish oo ah Falastiiniyad, waxa ay noqotay Muslimaddii ugu horreysay hadana ah Carabiyad oo tabiye ka noqota telefishinka afka Hebrew-ga ku hadla ee Israel. Waxa ay qabatay wareysiyo ay la yeesheen saxaafadda, iyo in ay haybsooc kala kulantay Israel iyo cadaadis kaga yimi qoyskeeda oo la xiriira guur ka baxsan diinta Islam-ka.

Aharish waxa ay hoos u dhigtay eedeymaha la xiriira guurkeeda iyada oo sheegtay in ay jiraan waxyaabo kale oo nolosheeda uga muhiimsan oo ay tahay in ay la tacaasho.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com