24.6 C
Mogadishu
Wednesday, July 9, 2025

Aqri: Ururka dhalinyarada beesha Galmaax Yoonis oo ku shiray Xamar + Sawirro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka ay isugu yimaadeen Ururka Dhalinyarada Beesha Galmaax Yoonis ayaa shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay aaya ka talinta Beesha Galmaax Yoonis, Waxaana ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Hormarinta Beesha Galmaax Yoonis Mudane Cali Maxamed Xasan (Cali Hindi).

Sido kale Shirka ayaa looga Dhawaaqay Gudi Kumeel Gaar ah Oo la shaqeeya Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Dhalinyarada Hormarinta Beesha Galmaax Yoonis.

Waxaana Gudigaas Oo Ka Kooban Afar Xubnood Ay Kala Yihiin 1) Liibaan Xuseen Yoonis 2) Maxamed Ahmed Cumar Qasaaye 3) Xasan Cumar Cusmaan Xasan Juungale 4) Nimco Cali Xasan.

Gabagabadii Shirka Waxaa Ka Hadlay Qaar Ka Mid Ah Nabadoono Galmaax Yoonis Ah Iyada Oo Halkaas Ay Ka Jeediyen hadalo iskugu jiro Duco iyo Dardaaran.

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Hormarinta Beesha Galmaax Yoonis Mudane Cali Maxamed Xasan Cali Hindi Ayaa Sheegay In Loo Bahan Yahay In Dhalinyarada Beesha Ay Mujiyaan Isku Xirnaasho Isla Markaana Ay Ka Shaqeyaan Hormarka Dhalinyarada Beesha Galmaax Yoonis.

- Advertisement -

Read more

Local News