C/Weli Gaas oo ka hadlay qorshaha doorashada P/L

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dareenka laga qabo doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Puntland.

C/weli Gaas, waxa uu sheegay in mar hore ay sii dajiyeen howlaha la xiriira doorashada, waxa uuna carab dhabay inaanu jiri doonin wax juujuub ah.

Waxa uu sheegay inuu jiro nidaam doorasho oo kala xakameyn doono musharaxiinta iyo cod bixiyayaasha lana doonaayo in cid waliba ay dhowrto.

Musharaxiinta loolanka qeybta ka ah ayuu sheegay inay leeyihiin xoriyad gaar ah, hase yeeshee uusan aqbali doonin in lagu tagrifalo xoriyada xadeysan.

Musharaxiinta iyo shacabka ayuu u xaqiijiyay in Doorashada Puntland ay ku dhici doonto xiliga loogu tallo galay, waxa uuna meesha ka saaray shakiga dib u dhac ku imaada Doorashada.

“Waxaa iigu muhiimsan inaan xaqiijino in doorashada ay ku dhici doonto wakhtigeeda, waa haddii aanu dhicin sabab kale, waayo waxaa na xakumaaya dastuur iyo sharciyo noo yaal”

Sidoo kale, C/weli Gaas, mar uu Madaxtooyada maamulka kula shiraayay qeybaha maamulka u qaabilsan Doorashada iyo mas’uuliyiin kale ayuu dafiray in la qorsheynaayo dib u dhac lagu sameeyo Doorashada.

Haddalka C/weli Gaas, ayaa mugdi galinaaya shakiyo markii hore ay qabeen musharaxiinta iyo shacabka Puntland kaasi oo ahaa dib u dhac ku yimaada doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com