C/Weli GAAS oo shaaciyey arrin ay tahay inay sameeyaan Xasan Sheekh iyo Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, marna soo noqday madaxweynihii Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, kadib isbeddelkii dhacay 15-kii bishii hore May ee sanadkan 2022.

Gaas oo u warramay BBC ayaa marka hore shaaca ka qaaday in adduunka ay wax caadi ah ka tahay in madaxweyne uu ra’iisul wasaare u xusho qof ka tirsan xisbigiisa, wuxuuna tilmaamay inay arrin wanaagsan tahay, maadaama madaxweyne Xasan uu ra’iisul wasaare u magacaabay Xamza Cabdi Bare oo qayb ka ah xisbiga UPD, kaas oo la siiyey kalsoonida.

“Laba qof oo isku xisbi ka yimid inay madaxweyne iyo ra’iisul wasaare isku noqdaan waa wax caadi ah oo aduunka ka jira, waana wax wanaagsan,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale xusay in kaliya looga baahan yahay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay shaqeeyaan, una adeegaan dalka iyo dadka.

“Annaga intaa kaliya naguma filna waxaa la rabaa isku xisbi ha noqdaan, saaxib ha ahaadaan, laakiin in haddane shaqo la qabto ayaa muhiim ah,” ayuu sii raaciyey.

Horey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga hadlay arrintaan, gaar ahaan sida loo maareyn doono hadii ay is khilaafaan isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha ayaa qiray inay is khilaafi karaan isaga iyo Madaxweynaha, balse kalsooni badan uu ku qabo in khilaafkaas uusan gaari doonin heer dowladnimada Soomaaliya ay wax uga halaabaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Bini’aadan ayaan nahay waan is khilaafi karnaa, laakiin waxaan rajeynayaa in meel xun aysan gaarin oo ay caqabad ku noqoto dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Xamza.

Soomaaliya ayaa haatan waxaa u curtay isbedel cusub, kadib markii uu meesha ka baxay madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Farmaajo, waxaana dowladda cusub laga war dhowrayaa sida ay u wajahdo xaaladaha taagan, kadib marka la dhameystiro xukuumadda.