Caabudwaaq iyo magaaloyin kale oo laga diiday maamulka goballada dhexe

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo badanaya dhaliilaha laga loo muujinaayo shir ka dhacay bishii hore magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaasoo ay ka qeybgaleyn madaxda dowladda loogana dhawaaqay sameynta maamul gobaleed ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamaac oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay ku qaldan tahay in gobal labo loo qeybiyay in lagu darro gobal kale oo dhammeestiran.

Xildhibaankan oo ka soo jeeda gobalka Galgaduud ayaa arrin qaldan ku tilmaamay qorshaha ay dowladda maamul gobaleed ugu sameeneyso Mudug iyo Galgaduud, mana socon doono ayuu yiri maamulkaas.

Xildhibaanka wuxuu kaloo hoosta ka xariiqay marka uu dhawaan furmo fadhigga shannaad ee baarlamaanka in looga dooddi doono sidda ay dowladda u wajaheyso maamul u samenta gobalada dalka.

Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo aadaya iyadoo lagu dhawaaqay 27-xubnood oo la sheegay in ay yihiin guddiga soo dhisaayo maamulka gobalada dhexe ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in ilaa sannadkan inta ka harsan in ay dhammeestirto maamul u sameynta gobalada dalka si loo hergaliyo nidaamka fedaraalka oo dalka uu qaatay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com