‘’Maydadku weli waxay daadsan yihiin daafaha & gudaha deegaanka, ficil xun ayey sameysay S/LAND” Waxaa yiri….

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta la xaqiijiyay 24 ruux oo isugu jira shacab iyo Ciidamo ka tirsanaa Maamulka Khatumo ayaa waxa ay ku dhinteen Dagaalkii maanta ka dhacay tuulada Saax-dheer ee gobolka Sool, iyadoona tiro kabadan 32 uu kasoo gaaray Dhaawac.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa la sheegayaa inay xiligaasi ku sugnaayeen Tuulada Saax-dheer ee gobolka Sool, waxaana la Tilmaamayaa in Ciidamada Maamulka Somaliland ee weerarka qaaday ay isku dayeen inay qabtaan Mas’uuliyiin ka kala socday DF iyo Maamul Goboleedyo kale, hayeeshee ay goobta ka baxsadeen una Talaabeen dhinaca dalka Itoobiya oo ku dhow tuulada.

Maxamed Nuur Cabdalla oo kamid ahaa Odayaasha Deegaanka Khatumo ayaa sheegay in Dagaalka uu ka dhashay Khasaaro badan islamarkaana uu indhihiisu ku arkay Ciidamo iyo dad shacab oo Meyd ah.

Maxamed Nuur Cabdalla waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in Ciidamada Maamulka Somaliland ay Goobta ku qabteen Xildhibaan ka tirsan golaha Baarlamaanka Khaatumo oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Yaasiin iyo sagaal ruux oo kale oo badankoodu shacab yihiin.

“Wixii ka dhacay Tuulada Saax-dheer ma aheyn wax wanaagsan waayo dad badan ayaa ku dhintay rasaasta Maydadku weli waxay daadsan yihiin daafaha iyo gudaha deegaanka,” ayuu yiri Maxamed Nuur Cabdalla

Maxamed Nuur Cabdalla oo intaa hadalkiisa kasii ambaqaadayo waxa uu yiri ‘’Waxaa gacanta Maamulka Somaliland ku jira Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Khatumo, waxaa laga rabaa Somaliland inay garwaaqsato oo ay dadka u xiran sii deyso’’

Dhanka kale, waxaa la sheegayaa in Madaxweynihii maamulka Khaatumo ee la doonayay in la caleemo-saaro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka ay haatan ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan Ismaamulka Dowlad deegaanka Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com