Caafimaadka: Cilmi baarayaal helay hab si fudud loogu ogaan karo qofka qaba kansarka

New York (Caasimada Online)- Saynisyahannada Maraykanka ayaa sheegay in ay talaabo dheer u qaadeen dhinaca horumarinta baaritaanka dhiigga ee cudurka kansarka.

Cilmi baarayaal ka tirsan jaamacadda Johns Hopkins ayaa sameeyay tijaabo ay ku fuliyeen kun qof oo bukaan ah si ay u eegaan in ay suurtogal tahay in sideed nooc oo cudurro ah lagu ogaan karo baaritaan dhiig oo qura.

Baaritaankaas oo loo bixiyey CanserSEEK ayaa muujiyey natiijo fiican oo lagu guulaysan karo boqolkiiba todobaatan.

Khubaro aan ka tirsanayn jaamacaddaas ayaa sheegay in horumarkaasi dhaliyey yididiilo wayn laakiin loo bah yahay in cilmi baaris kale oo dheer la sameeyo si loo hubsado saxnaantiisa.

Kooxda Maraykanka ahi waxay haatan tijaabooyin baaritaankaas ah ku wadaa dad aanay ka muuqanin calaamadaha lagu garto kansarku si ay u ogaadaan in ay suurtogal tahay in hore loo ogaan karo cudurkaa oo dadka si dhakhso ah loo badbaadin karo.

Source: BBC