Dhageyso: Xaaf oo Cadaado laga mamnuucay iyo go’aanno caawa kasoo baxay beesha degta

Cadaado (Caasimada Online)- Waxaa Caawa Magaalada cadaado ee Gobolka galgaduud Kulan degdeg ah ku yeeshay Odayaasha dhaqan beesha Cadaado, waxeyna uga hadleen Munaasabadii maanta ka dhacday Dhuusa-Mareeb ee Xarunta Galmudug.

War Saxaafadeed ay soo saareen Odayaasha Beesha Cadaado oo ka koobnaa dhowr qodob ayaa Waxaa Saxaafada u aqriyay Nabadoon Qaasim Maxamuud oo sheegay iney uxiranyihiin Deegaanada laga soo galo cadaado aanan la ogoleynin Shirar lagu taageerayo munaasabadii Dhuusa-Mareeb.

Waxa ay cadaado ka mamnuuceen inuu tago ama Safar ku maro Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf), waxey kaloo sheegeen ineysan Madaxweynenimo u aqoonsaneyn Mudane Xaaf.

Odayaasha Caawa ku shiray Magaalada cadaado ayaa sidoo kale sheegay in Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan aysan u aqoonsaneyn inuu ka midyahay Madaxda Galmudug.

Odayaashan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Somaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ineysan aqbalin wixii maanta ka dhacay magaalada Dhuusa-Mareeb oo ayba Goobjoog ahaayeen.