Sawiro Midowga Galmudug & Ahlu suna, Calanka Maamulka Galmudug oo Dhuusamareeb Dulbabanaya

Dhuusamareeb-(Caasimadda Online)-waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay shirkii lagu dhameystirayay heshiiska u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu suna.

Shirkaas oo ay kasoo qaybgaleen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Madaxweynaha Galmudug oo marti loo ahaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Calanka Maamulka Galmudug ayaa laga taagay gudaha Madaxtooyada cusub ee Magaalada Dhuusa mareeb, waxaana guud ahaan Madaxtooyada maamulkeeda lagu wareejiyay Madaxweyne (Xaaf).

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo lagu riyoonayay in ay dhacdo, wuxuuna ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Gobolada dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com