Sarkaal Ciidanka Badda ah oo lagu toogtay Dekada magaalada Muqdisho iyo askarigii dilka gaystay oo gacanta lagudhigay.

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Gudaha Dekada magaalada Muqdisho ayaa waxaa goor dhow lagu dhex dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Badda Soomaaliya, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka.

Sarkaalka la dilay oo maamulayay qeyb ka mid ah Dekeda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Saciid Mariin, kaasi oo si weyn looga garanayay gudaha Dekeda Muqdisho.

Sarkaalkan ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay nin isaga ku xigeen u ahaa, iyada oo ilaa hadda aanan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysay dilkiisa.

Ciidanka ammaanka gudaha Dekeda Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiiglaha dilka geystay, waxaana laga dhigay Dareeska iyo Hubkii uu watay, iyada oo garba duub loo xiray, kadibna Gaari lagu kaxeeyay.

Hay’adaha ammaanka ayaa ninkan ula dhaqaaday mid ka mid ah saldhigyada baarista, halkaasi oo lagu weydiinayo su’aalo ku saabsan sababta ka dambeysay inuu dilkan geysto.

Allaha u naxariistee Marxuum Saciid Mariino ayaa meydkiisa waxaa halkaasi ka qaaday saraakiisha caafimaadka iyo qaar ka tirsan eheladiisa oo goobta soo gaaray.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com