Caasimada Online oo heshay qoraal yaab leh oo Mahad Cawad uu WhatsApp ugu diray xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii baarlamanka Soomaaliya maanta ee la filayey inuu ka dhaco xarunta baarlamanka ayaa baaqday kadib markii xarunta ay qabsadeen Jawaari iyo Mahad Cawad oo ciidamo wata.

Xukuumadda ayaa go’aan ku gaartay inaan wax ciidamo ah la gayn xarunta baarlamanka, si looga fogaado inaysan isku dhicin ciidamada iyo kuwa taabacsan Jawaari iyo Mahad Cawad ee xarunta haysta.

Ciidamada taabacsan Jawaari ayaa sidoo kale jir dil u geystay abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Cabdullaahi Cali Caanood.

Ciidamada Jawaari ayaa jir dilay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka kadib markii Xarunta Baarlamaanka kasoo geli rabay dhanka Wasaaradda  Warfaafinta waxayna ciidamadaan Taliyaha ku amreen inuu laabto.

Jawaari iyo Mahad Cawad ayaa hadda isku dayaya in wixii dhacay ay dusha u saaraan xukuumadda, sida ku cad qoraal Mahad Cawad uu u diray xildhibaanada taageersan.

Qoraalkan oo lagu diray Whatsapp, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa Mahad Cawad wuxuu xildhibaannada taageersan ugu sheegayaa inay faafiyaan warar ku saabsan in ciidanka xarunta qabsaday ay yihiin kuwa koofi guduudda, si xukuumadda eeda dusha loogu saaro.

Hoos ka arag qoraalka: