Jawaari oo isaga baxay xarunta baarlamanka iyo kulan xasaasi ah u socdo isaga iyo AMISOM

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa ugu dambeyntii isaga baxay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya oo ay saakay galeen isaga iyo ciidadmo ilaale u ahaa.

Guddoomiye Jawaari oo maanta sabab u noqday inuu kulanka Baarlamaanka baaqo kadib markii uu diiday inuu ciidamadiia ka bixiyo xarunta ayaa ugu dambeyntii daqiiqado ka hor isaga baxay kadib markii uu cadaadis badan kala kulmay madax ka tirsan AMISOM.

AMISOM  ayaa ilaa saakay waday dadaal ay Jawaari kaga dhaadhacsiineyso inuu ciidamada ka bixiyo Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana muuqato inuu Jawaari arrintaas aqbalay markii uu hubsaday inuu baaqday kulankii Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka hadda aan heleyno ayaa sheegayo inuu kulan xasaasi ah u socdo isaga iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM si looga wada hadlo xiisadda taagan iyo sidii loo xallin lahaa.

kulankaan ayaa ah mid albaabada u xiran yihiiin ilaa hadda xog faahfaahsan lagama helin waxyaabaha la isku soo hadal qaaday.

Jawaari iyo Cawad ayaa Maanta nashqad yaab leh la ciyaaray xildhibaanadii mooshinka ka waday Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana markii ugu horeysay dhacday in xildhibaanada ay soo xaadiraan Xarunta baarlamaanka Salaadii subax kadib taasoo ah mid ugub ku ah dhagaha Shacabka Soomaaliya .

Kulankii Baarlamaanka ayaa u baaqday nashqadda ay cayaareen Jawaari iyo kooxdiisa, waxaana hadda lasoo sheegayaa inuu kulan Villa Somalia uga socdo xildhibaanadii mooshinka ka waday Jawaari waxaana macquul ah in laga soo saaro in kalsoonidii lagala noqday Guddoomiye Jawaari.

Xiisadda Baarlamaanka Soomaliya ayaa gaartay meel halis ah, waxaana Maanta lagu sigtay in la is rasaaseyo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha xiisadda Baarlamaanka waan idinla wadaagi doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com