Taliyayaasha ciidamada oo shaaciyey cidda qabsatay xarunta golaha shacabka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaasha Ciidamada Nabadsugida,Booliska,Asluubta oo daqiiqado ka hor shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajiyey cidda ka dambeysay inuu baaqdo kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee la filayey inuu Maanta dhaco.

Taiyayaasha ciidamadan kala duwan ee Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegay inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari sabab u yahay inuu baaqdo kulankii Baarlamaanka kadib markii uu shaqaaqo ka dhex aburuay Xarunta sida ay hadalka u dhigeen.

Taliyaasha ayaa si aan gambad laheyn u shaaciyey in Guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenka labaad Cawad ay si ula kac ah ula wareegeen Xarunta Baarlamaanka kadib markii ay gudaha usoo geliyeen ciidamo ay wateen oo ku hubeysnaa qoryaha daran dooriga u dhaco.

Waxa ay sheegeen in ciidamada ay wateen labadaasi masuul ay ahaayeen Milateri iyo kuwo dharcad ah oo aan la aqoon halka ay ka yimaadeen,isla markaana aan ka mid aheyn talisyada ciidamada.

Taliyaasha ayaa sheegay inay Ciidamada ay wateen labadaan Mas’uul aysan ka tirsaneyn ciidamada dowladda isla markaasna aysan u diiwaan gashaneyn

Waxa ay sheegeen in baaritaan dhab ah ku sameyn doonaan halka ay ka tirsanaayeen ciidamadii ay wateen gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuxigeenkiisa 2aad Mahad Cabdala Cawad isla markaasna ay warbixin kasoo saari doonaan.

Guddoomiye Jawaari  iyo xildhibanaadii taageersanaa ayaa kusoo talagalay Saakay inay baajiyaan kulanka Baarlamaanka lamana ogo sababta ku kalifeyso arrintaas.

Guddoomiye Jawaari iyo Ciidamadii uu watay ayaa isaga baxay Xarunta Baarlamaanka, waxayna hadda kulan xasaasi ah la leeyihiin Guddoomiye Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com